Agaasimayaasha guud ee waxbarashada iyo xanaanada xoolaha oo xilka la kala wareegay

Garowe(Puntland Post) Waxaa maanta xarumaha wasaradda waxbarashada iyo xanaanada xoolaha Puntland lagu qabtay labo munaasibadood oo ay xilalka kula kala wareegayaan agaasimayaasha la isku badalay ee waxbarashada iyo xanaanada xoolaha.

Munaasibada lagu qabtay wasaradda xanaanada xoolaha ee Garowe waxaa kasoo qayb galay madaxda ugu saraysa wasaradda xananada xoolaha iyo masuuliyiin kale.

Agaasimihii hore ee wasaradda xanaanada xoolaha Mudane Maxamed Cabdiqaadir oo loo wareejiyay wasaradda waxbarashada ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay wasaradda mudadii uu xilkan hayay wuxuu sheegay inuu heer wanaagsan gaarsiiyay isla markasna uu ku faraxsan yahay inuu maanta xilkeeda warejiyo.

Agaasimaha cusub ee wasaradda xananada xoolaha Mudane Axmed Kayse Shire ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilkan cusub ee uu maanta la wareegay, wuxuu u mahad celiyay agaasimihii hore iyo dhammaan madaxda wasaradda sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen.

Wasiirka Xanaanada xoolaha Mudane Cabdi Jamaal ayaa hadla uu jeediyay kusoo dhaweeyay agaasimaha cusub waxa uu xusay in agaasimihii hore Maxamed Cabdiqaadir si wanaagsan usoo wada shaqeeyaan isla markasna shaqada uu qabtay ay tahay mid muuqata.

Dhinaca kale wasaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa lagu qabtay munaasibad taa la mid ah, waxaana xilka kula wareegayay Agaasimaha cusub Maxamed Cabdiqaadir oo kasoo wareegay wasaradda xanaanada xoolaha, munaasibadan waxaa kasoo qayb galay wasiirka waxbarashada, ku xigeenkiisa iyo dhammaan shaqaalaha wasraadda waxaana halkaasi laga soo jeediyay khudbado kala duwan.

Ugu horayntii Agaasimihii hore ee wasaradda waxbarashada Axmed Kaysa ayaa ka waramay waxyaabihii u qamsoomay mudaddii uu xilka wasaradda hayay, wuxuna sheegay inuu meel wanaagsan gaarsiiyay shaqada haddana uu ku rajo weyn yahay agaasimaha cusub inuu halkaa shaqada kasii wadi doono.

Agaasimaha cusub ee wasarada waxbarashada Maxamed Cabdiqaadir ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka cusub ee madaxwayne Gaas u magacaabay wuxu u mahad celiyay bahda waxbarashada oo uu sheegay inay si wanagasna usoo dhaweeyeen wuxuuna balan qaaday inuu shaqada halkeeda kasii wadi doono.

Ugu danbayntii wasiirka waxbarashada iyo ku xigeenkiisa ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin masuuliyiinta xilalka la isagu badalay ee waxbarashada iyo xanaanada xoolaha gaar ahaan waxay sheegeen inuu agaasimihii hore waxqabad sameeyay kan cusubna laga filayo horumar cusub.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21
PUNTLAND POST