Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo xaalada abaaraha kala shiray Hay’addaha Garowe ka shaqeeya

Garowe(Puntland Post) Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa maanta oo Axad ah kulan balaaran kula qaatay xarunta madaxtooyada Garowe qaar ka mid ah hay’addaha caalamiga ah, kuwa Inki’ooga ah iyo masuuliyiinta wasaradaha qaarkood.

Kulankankan ayuu Eng.Camay masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlayay xeerka abaartu marayso iyo gurmadka loogu jiro, maadama weli roobabkii la filayay sanadkan aysan ka di’in goobaha abaaraha laga soo sheegayo.

Kulankan markuu soo dhamaaday madaxwayne ku xigeenka ayaa la hadlay PUNTLAND TV wuxuuna sheegay xaalada abaartu inay meel aad u daran marayso hadana goobaha abaaruhu ka jiraan ay gaarayaan ku dhowaad 400 oo goobood, wuxuuna sheegay inay gobahaasi qaar ka mid ah gurmad la gaarsiyyay balse weli ay howshu socoto.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii xoojiyaan gurmadka ay ugu jiraan bad baadinta qoysaska reer guuraaga oo ay abaartu saamaysay maadama roobabkii la filayay aysan di’in sanooyinkii lasoo dhaafay.

Meelaha ugu daran ee abaartu ka jirto waa Gobalka Sanaag iyo qaybo ka mid ah Beri waxaana Sanaag hadda laga wadaa gurmad biyo dhaamin ah walow meelo ka mid ahna uu ka da’ay roobkii gu’ga.

Guddiga gurmadka abaarta ayaa dhankooda dadka hantida haysta ugu baaqay inay dhaqaalahooda ku bad baadiyaan walaalahooda tabaalaysan.
IMG-20160410-WA0033

IMG-20160410-WA0039

IMG-20160410-WA0040

IMG-20160410-WA0041

IMG-20160410-WA0043

IMG-20160410-WA0047

IMG-20160410-WA0049

IMG-20160410-WA0054

IMG-20160410-WA0055

IMG-20160410-WA0056

IMG-20160410-WA0059

IMG-20160410-WA0060

IMG-20160410-WA0061

IMG-20160410-WA0068

IMG-20160410-WA0069

IMG-20160410-WA0070

IMG-20160410-WA0079

IMG-20160410-WA0080

IMG-20160410-WA0081

IMG-20160410-WA0082

IMG-20160410-WA0084

IMG-20160410-WA0086

IMG-20160410-WA0087
PUNTLAND POST