Kal-fadhiga Baarlamaanka DFS oo maanta furmaya iyo madaxda oo khudbado ka jeedinaysa

Muqdisho(Puntland Post) Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta furmaya, kaasoo noqonaya kalfadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaankii la soo dhisay sanadkii 2012, iyadoo lagu wado in bisha Agosto la soo dhiso Baarlamaan cusub.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in kalfadhiga uu noqonayo kii ugu dambeeyay, isagoo ugu baaqay Xildhibaanada inay ka soo qeyb galaan.

“Waxaa maanta inoo furmaya kalfadhigii 8aad ee Golaha shacabka, waa kalfadhigii ugu dambeeyay, tan iyo markii Baarlamaankii la soo dhisay sanadkii 2012, waxaa uu Baarlamaankan mudadiisa ku eg tahay 20-ka Agosto”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in kalfadhigan uu yahay mid muhiim ah, isla markaana loo baahan yahay dhamaan sharciyada hor-yaala Baarlamaanka la meel mariyo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in Xildhibaanada ay ka taxadaraan amnigooda, isagoo xusay inay munaasib tahay in Xildhibaanka uu amnigooda ka fikiro sida uu yiri.

Waxaa kalfadhiga ka qayb galaya madaxwayanah DFS iyo Ra’iisul Wasaarihiisa halkaasoo lagu wado inay kasoo jeediyaan khudbado marxalada kala guurka ku qotoma.

PUNTLAND POST