Al-shabaab oo weerartay saldhig ay xadka Soomaaliya ku leeyihiin Booliska Kenya

Wajeer-Kenya-(Puntland Post)-Dabley hubeysan oo la aaminsanyahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabab ayaa weerar ku qaadday xarun ay booliska Kenya ku leeyihiin tuulo ku taalla koofurta Wajeer oo lagu magacaabi Diif.

Weerarkaan oo dhacay saaka arroortii,ayaa waxaa ku dhaawacmay 3 sarkaaloo ka tirsan boliiska Kenya, waxaana la gubay saldhiggii degaanka,waxanay horay u qaateen malleeshiyadu gaari Land Cruiser ah iyo qori hoobiye ah.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegaya in raggan weerarka soo qaaday ay tiradoodu ahaayeen 100 qof,kuwaasoo jihooyin kala duwan kasoo galay tuulada,wuxuuna bartilmaameedkoodu ahaa ahaa sida la sheegay 18 sarkaal oo ka howl-gasha saldhigga.

Debleyda weerartay saldhigga Boliiska Diif ayaa la sheegay iney u soo dhaqaaqeen dhanka Soomaaliya,waxanay saraakiisha ammaanka dalka Kenya sheegeen iney ku raad joogaan raggii weerarka geystay.

Bishii Janaayo ee sanadkan ayay ahayd markii ay koox abaabulan gaari kala baxsatay saldhig ay ciidanka xoogga Kenya ku leeyihiin xerada Bangaanni ee magaalada Nairobi, waxanay dowladdu ku eedeeysay inay Al-shabaab.

Puntland Post