Agaasimihii dhowaan loosoo magacaabay wasarada Dastuurka Puntland oo is-casilay

bogacadGarowe(Puntland Post) Agaasimihii hore ee wasaradda Deegaanka Cabdirisaaq Bogcad oo dhowaan madaxwayne Gaas u badalay wasaradda Dastuurka ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu xilkaa iska casilay sababtana uu ku sheegay qoraalkan hoose ku qoray.

Waxaa Madxweeynaha Dawladda Puntland isku shandheeyn kooban ku sammeeyey qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud. Waxa aniga la i soo wareejiyey Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Fedraalka. Waxaan horay u ahaa Agaasimaha Guu ee Wasaaradd Deeganka, Duurjoogta iyo Dalxiiska oo aan shaqooyin muuqda oo markhaati leh ka soo qabtay. Madxweeynuhu waa ku mahadsan yahay magcaabista cusub. Dastuurka ayaa madxweeynaha siiyey xuquuqda wax ka beddelka xilalka dawladda.

Haddaba shalay oo bishu ahayd 9 April 2016 ayaan madaxweeynaha si rasmi ah emilkiisa ugu gudbiyey iscasilaadaydii jagada cusub.

Waxaa sabab u ahaa iscasilaadayda arrimaha hoos ku xusan:

Wax talo ah la igama weeydiin xilka cusub oo warka suuqa ayaa ka maqlay
Anigu aqoon iyo xirfad uma llihi arrimaha dastuurka iyo fedraalka.

Shahaadayda Kowaad (B.Sc) waxay ahayd Agropastoralism (Anima Husbandry).

Halka shahaadayda labaad (M.Sc) ahayd culuumta daaqa (Range Management).

Sidoo kale shahaadadayda saddexadd (PhD) waxay ku saabsanayd maaraynta waxbarshada (Education Management).

Waxaa ka qaatay shaadooyinka labaad iyo Saddexaad Jaamcado ku yaal dalka USA.

Haddaba sidaad aragtaan ma ahi Lawyer ama Qareen ku takhusasy arrimaha Dastuurka. Ma aha ceeb in qofku yiraahdo hawshan aqoon uma lihi. Nin aan saaxiib nahay oo la yiraahdo Dr. Hussein ayaa si kaftan dhable ah ii yiri war Puntland lama yiraahdo waxaa ma aqaan. Waxaan anigu dhahayaa waxaa ma aqaan.

Haddaba waxaa loo baahan yahay oo aan kula taliyey Madaxweeynaha in jagada Agaasimaha Guud iyo inta ka hooseeysa aqoon lagu xusho loona magacaabo meesha uu ku haboob yahay xirfad ahaan (Right man for the right position).

Waxaan halkaan mahad uga soo jeedinayaa gabdhihii iyo wiilashii igala shaqaynayey horumarinta arrimaha deegaanka, daaqa iyo xoolaha Puntland.

Ugu dambayn waxaan ballan qaadayaa anoo rayid ah sidii caadada ii ahayd inaan si shuruud la’aan ah ugu adeego dadka iyo dalka Puntland. Anigu maalin dibed ugama dhoofin Puntland. Mana haysto dhalasho ajnabi. Tan macnaheed waxa weeye heestii geeljira ee ahayd (Nin Dhalashuu kuugu dhiidhiyey nina dhuunu kuugu soo dhacay).

Mahadsanidin iyo nooli kulantay.
Dr. Abdirisak Mohamed