Safiirka DFS u qaabilsan Maraykanka oo maanta Garowe ka dhoofay kana hadlay socdaalkiisa

Garowe(Puntland Post) Safiirka dowladda Soomaaliya ee Maraykanka Danjire Axmed Ciise Cawad oo maalmahan ku sugnaa magalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa maanta oo Sabti ka dhoofay garoonka diyaaradaha Kanoco.

Danjire Cawad ayaa safarkiisa Puntland la xiriiray arrimaha isagu u gaar ah iyo qoyskiisa wuxuuna mar uu warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha sheegay inuusan wax siyaasad ah safarkiisa Garowe salka ku hayn balse uu salaan iyo is-arag ugu yimi aabihii Ciise Cawad iyo dhammaan qoyskiisa oo Garowe deggan.

Waxa uu sheegay intuu uu ku sugnaa magalada Garowe inuu ku arkay wanaag iyo isku xirnaan ka dhaxaysa dowladda Puntland iyo shacabka, sidoo kale waxa uu kulamo la qaatay masuuliyiin dowladda ka tirsan, siyaasiyiin hore iyo qaar ka mid ah Isimadda Gobalka Nugaal, waxa kale uu la kulmay Ardayda Jaamacaddaha magalada Garowe.

Safiirka dowladda Soomaaliya ee Maraykanka ayaa ku wajahan wadanka Maraykanka balse hadda wuxuu sii marayaa dalalka Kenya iyo Suudaan.
2

1

3
7

8

9

11

10

5

6
PUNTLAND POST