Minnepolis oo qalab dab demis ugu deeqday magalada Bosaso ee Gobalka Bari

Minnepolis(Puntland Post) Gudoomiyaha degmada Lixaad ee magalada Minnepolis Cabdi Yaasiin Warsame ayaa ku guulaystay taariikhda markii ugu horaysay inuu soo dhameeyo deeq balaran oo ay magalada Minnepolis ugu deeqday magalada Bosaso oo dhowaan la mataaneeyay.

Mataaneynta labadaasi magalada ayaa dhashay in magalada Minnepolis deeq gaadiidka deb-demiska ugu deeqo magalada Bosaso oo ah xarunta dhaqaalaha Puntland.

Deeqdan waxaa ka mahad celiyay Soomaalida ku nool magalada Minnepolis kuwaasoo sheegay inay tahay bilow cusub loona baahan yahay in lasii xoojiyo saaxiib-nimadda labadaasi magaalo.

Agaasimaha la-dagalanka Burcad Badeeda Puntland Cabdirisaaq Dirir Ducaysane ayaa isagoo ku hadlayay afka xukumadda Puntland ka mahad celiyay deeqdan oo uu dadaalka u galay Cabdi Warsame, wuxuuna sheegay inay uga faa’iidaysan doonaan sidii loogu talo galay.

PUNTLAND POST