Muqdisho-(Puntland Post)-Waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa inuu maanta lmagaalada Muqdisho ka furmo shirka wada tashiga qaran ee Soomaaliya,kaasoo looga hadli doono qaabka ay u dhici doonto doorashada bisha Augost ee sanadkan.
Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa la filayaa inay dhawaan soo gaaraan caasimadda,halka qaarkoodna ay ku sugan yihiin,iyadoo la dareemayo u diyaar garow weyn oo arrintaasi ku aaddan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi u furi doona shirka lagu wado inii furmo gelinka dambe ee maanta, waxaana la filayaa in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada shir gaar u ah ay yeeshaan.
Wararka qaar ee ku dhow-dhow qaban qaabada madasha ayaa sheegaya in madaxda ay isla qaadaa-dhigi doonaan qorshaha doorashooyinka iyo qaabka loo soo xulayo xildhibaanada, waxaana shirkan noqon doonaa mid xasaasi ah,lagana doodo waxyaabo badan.
Arrimaha muhiimka ah ee shirka lagu soo qaadi doono waxaa ka mid ah,heshiiskii dowladda federaalka iyo Puntland ee 3-dii bishan lagu saxiixay Garowe, kaasoo awood badan siinayay Puntland, gaar ahaan dhinaca doorashada.
Arrinta kale ee muhiimka ah ayaa ah in hogaamiyeyaasha Soomaaliya ay go’aan ka gaaraan halka ay ka dhaceyso doorashada labada aqal ee baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, si loo doorto meel munaasab ku ah marka la eego xagga amniga, waxaana laga yaabaa in doodda qodobkaas uu noqdo kan ugu dhibka badan, maadaama heshiiska Garowe uu qeyb ka ahaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hor inta aan la saxiixin heshiiskii Garowe soo saaray war saxaafadeed, ayaa sheegay in qodobbada qaar looga hadli doono shirka madasha wadatashiga ee hogaamiyeyaasha qaran.
Marka uu soo idlaado shirka,ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku aaddan qaabka doorashooyinka u dhacayaan, si loo soo xulayo xubnaha beddeli doona Baarlamaanka hadda jira ee waqtigiisa uu geba-gabada yahay.