Gudoomiyaha Gobalka Nugaal oo Garowe kula shiray Mayarada degmooyinka Gobalka

Garowe(Puntland Post) Gudoomiyaha Gobalka Nugaal mudane Cumar Cabdilaahi Farawayne ayaa maanta kulan muhiim ah xaruntiisa Gobalka kula qaatay gudoomiyaasha degmooyinka Garowe,Dongorayo, Burtinle, Eyl iyo Godob-jiiraan.

Kulankan ayaa ahaa mid looga hadlayay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin xaalada amaanka,xaaladaha abaaraha gobalka Nugaal, Tayaynta mamulka , xiriika iyo wadashaqayn degmooyinka dhexmarta,soo saarista baaqyo iyo go’aamo iyo weliba soo saarista qorshe howleedka bilaha soo socda.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdilaahi Farawayne ayaa sheegay inay wadaan qorshe lagu xoojiyo ammaanka Gobalka Nugaal waxa kale uu shacabka gobalka ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan mamulka degmooyinka iyo laamaha ammaanka si ay ugu suurta gasho in laga hor tago wax kasta oo ka hor imaanaya amniga iyo horumarka.

Masuuliyiinta degmooyinka ka socday ayaa dhankooda soo dhaweeyay kullankan waxayna balan qaadeen inay xoojinayaan xiriirka degmooyinka ayna shacabka ku dhiirigalinayaan inay ka qayb qaataan gurmadka abaaraha iyo garab istaaga ciidanka.

Waa kulankii ugu horeeyay tan iyo markii la magacaabay Cumar Farawayne uu Garowe kula yeesho Gudoomiyaasha degmooyinka Gobalka Nugaal.
IMG-20160409-WA0001

IMG-20160409-WA0002

IMG-20160409-WA0003

IMG-20160409-WA0004

IMG-20160409-WA0005

IMG-20160409-WA0006
PUNTLAND POST