Cabdiraxmaan Farole oo sheegay haddii uu guulayso inuu soo celinayo dowlad-nimadii Somalia

Garowe(Puntland Post) Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole haddana ah murashax madaxwayne 2016 ayaa waraysi uu siiyay idaacada SBS laanteeda Afka-Soomaaliga ee waddanka Australia ayaa kaga hadlay murashax-nimadiisa iyo waxa uu ka aaminsan yahay hanaanka hab qaybsiga qabiilka ee 4.5.

Cabdiraxmaan Farole ayaa wax laga waydiiyay siday ugu suurta galayso 4.5 inuu Soomaali ka cirib tiro maadama doorashada 2016 lagu saleeyay nidaamkaasi, wuxuu sheegay ahmiyadiisa koowaad inay tahay sidii dalka loogu soo celin lahaa nidaamkii iyo dowladnimadii waddanka lagu yaqaanay iyo in waddanka la camiro oo aysan ahayn in hal magaalo lagu koobo addeega dadka.

Murashaxan ayaa sheegay haddii xilkan loo doorto inuu raadin doono dadkii aqoonta u lahaa wadaniyada iyo dowlad-wanaaga waxa kale uu sheegay inuu ka shaqayn doono ammaanka iyo horumarka waddanka.

Maaadama doorashada hab qabiil lagu galayo ayuu sheegay inuu kalsooni badan ku qabo shacabka SOomaaliyeed xiriir wanaagsanna uu lee yahay isla markasna Soomaali oo dhan isku yaqaan taas darteena uu wax badan ku qaban karo aqoonta uu mamulka u lee yahay.

“Dalka in dawladnimo lagu soo celiyo iyo in waddaniyadii la soo celiyo, baa loo baahan yahay iyadoo adeegyada dawladnimo la geeynayo degaan walba…haddii lay doorto dadka dawladnimada wax ka yaqaan meel kastoo ay joogaan ayaa laga shaqaysiinaya, hal qof wax ma samayn karo, waxaana ka shaqeynayaa in qof walba uu helo xaqqa uu leeyahay isaga oo jooga meesha uu deggan yahay waxaana hirgalinayaa sida looga noolyahay addunka kale.”

Hadalka Murashax Cabdiraxmaan Farole ayaa kusoo aadaya xilli madaxda mamul gobaleed-yada iyo dowladda Federaalku isku raacday hanaanka doorashada lagu galayo, waxaana tobbanka bishan madaxdu ku balansan yihiin magalada Muqdisho.

PUNTLAND POST