Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka oo kulan la qaatay Ardayda Jaamacadda PSU Garowe

Garowe(Puntland Post) Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan waddanka Maraykanka Danjire Axmed Ciise Cawad oo maalmahan ku sugnaa magalada Garowe ayaa kulan la qaatay Ardayda Jaamacadda Puntland State University, kulankaasoo ahaa mid is-barasho ah waxaa sidoo kale kasoo qayb galay madaxda jaamacadda iyo masuuliyiin ka socda wasaradda waxbarashada.

Danjire Cawad ayaa ardayda usoo jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa taasoo uu diirada ku saaray xaalada dalka iyo tan Soomaalida Maraykanka, wuxuu cadeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay horumar muuqda tiig-sanayaan gaar ahaan ardaydda waxbarashada ku jirtana ay dowr wanaagsan ka ciyaari karaan dib u dhiska iyo mid-nimadda umadda Soomaaliyeed.

Cawad wuxuu u mahad celiyay mamulka iyo ardaydda Jaamacadda PSU wuxuuna ku tilmaamay PSU inay ka mid tahay goobaha soo saara dhalinyaro aqoontoodu sarayso.

Qaar ka mid ah Ardayda ayaa su’aallo kala duwan waydiiyay Safiir Axmed Ciise su’aalahaasoo ku saabsan xaalada dalka kuwa Soomaalida Maraykanka dhammaan waxyaabihii la waydiiyay wuxuu uga jawaabey siday Ardaydu u rabeen.

Ugu danbayntii Ardayda Jaamacadda gaar ahaan qaybta culuumta caafimaadka ayaa xusay maalinta caafimaadka adduunka waxaana khudbado la xiriira munaasibadaasi ka jeediyay gudoomiyaha Jaamacadda mudane Maxamuud Shiikh Xaamud iyo masuuliyiin kale.

Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka ayaa lagu wadaa inuu Garowe sii joogo maalmahan soo socda.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14
PUNTLAND POST