Gudoomiyaha xaquuqda aadanaha PL oo la kulmay masuuliyiin ka socda Gollaha Bad-baadada Koonfur Galbeed

Garowe(Puntland Post) Xubno ka socda Gollaha Bad-baadada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo waxgaradka, aqoon yahano, ganacsato ka socdey beesha Digil iyo Mirifle ee Puntland ayaa kulan kula qaatay xafiiska difaacaha xaquuqda aadanaha Puntland madaxda xafiiskiaasi, kaasoo looga wada hadlay arrimo badan.

Waxaa xafiiska ku soo dhaweeyey Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland mudane Maxamed Yuusuf Cali, ugana mahadceliyay booqashadooda sheegayna inuu aad ugu faraxsanyahay kulanka oo ahaa mid muhiim u ah labada dhinac.

Ujeedada golaha ay u soo booqdeen Puntland ayaa ah sidii loo dhowri lahaa xuquuqaha asaasiga ah ee dadka ka soo jeeda deegaanada waqooyi galbeed ee Soomaaliya kuna dhaqan Puntland.

In tixgelin la siiyo oday dhaqameedka beesha digil & mirifle si lamid ah oday dhaqameedada punland oo ay awood u yeeshan in ay wax damiinan karaan markii cid laga soo xiro.

In la sameeyo isdhexgal bulshada dhexdeeda iyo odayaasha digil iyo mirifle iyo odayaasha Puntland si la isaga kaashado wixii wanaag ah meelna looga soo wada jeesado wixii dhib wada.

Waxay ka codsadeen xafiiska xuquuqda aadanaha inuu u fidiyo tababar la xiriira xuquuqda aadanaha si ay wax badan uga ogaadaan xuquuqdooda iyo waajibaadka saaran.

Waxay ka cawdeen in dadka ka soo jeeda koonfur galbeed Soomaaliya si xunloola dhaqmo markii wax dhacaan iyadoo loo arko dadka koonfurta ka soo jeeda in ay yihiin ama gacan saar la leeyihiin qaswadayaasha iyo nabad diidka.

Waxay sheegeen in ay jiraan dad tiradoodu aad u badan tahay oo saldhigyada kaga xiran welina aysan u cadeyn waxa loo haysto sidaas darteed waxay codsadeen in laga qanciyo sababta dadkaas loo haysto maadama ay ahaayeen xoogsato u shaqaysan jiray qoysaskooda.

Waxay ka codsadeen Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland in uu dabagal ku sameeyo dad looga laayey Demada Galdogob, qof lagu dilay Garowe iyo dad lagu dhibaateeyey deegaanka Burtinle, Qardho, Galkacyo wax yeeladaas oo salka ku haya falalka amnidaro ee alshabaab ay ka gaysatay deegaanada Puntland.

Ugu dambayn Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali ayaa u balanqaaday inuu wax ka qabandoono dhammaan waxyaabaha ay ka cabanayaan ama ay codsanayeen islamarkaana ay tahay shaqada iyo waajibaadka xafiiska xuquuqda aadanaha loo aasaasay.
1

2

3

4

5

6-