BUUGGA DANTA DERBI-JIIFKA YAA DACAY? OO BOORAMA LAGU SOO BANDHIGAY

Waxaa xalay Rays Hotel, ee magaalada Boorama ka dhacday xaflad heersare ah, oo lagu soo bandhigayey buugga Danta Derbi-jiifka Yaa Dayacay? Oo dabayaaqadii bishii labaad lagu daah-furay magaalada Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland. Buuggan oo uu qoray Qoraa Cumar Yuusuf Axmed( Cumar Shaafi).

Ugu horreyn waxaa halkaa ka hadlay guddoomiyaha Bahda Kaabe Siman Cali Kaahiye, oo ahayd soo qaban-qaabiyayaasha xafladda buuggan, Simaan Cali ayaa sheegtay in Bahda Kaabe ay u taagan tahay daryeelka bulshada inta tabaalaysan, ayna ku jiraan dadka derbi-jiifka ah. Sidoo kale waxa ay si faahfaahsan uga hadashay taariikh nololeedka Qoraa Cumar Shaafi, waxa ayna ku soo dhoweysay qoraaga.

Cumar Yuusuf Axmed( Cumar Shaafi) ayaa xafladda ka hadlay waxa uuna si faahaahsan uga hadlay buugga Danta Derbi-jiifka Yaa Dayacay? Qoraagu waxa uu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dadkaa derbi-jiifka ah waxa loo qabto. Qoraaga hadalladiisii waxaa ka mid ahaa in haddii aynnu nahay dadka daar-jiifta ah la innagu eegayo derbi-jiifka dayacan ee dugaagga weheshada.

Waxaa hadalka isaga dambeeyey Ayaanle Sheer oo ahaa guddoomiyaha Akaademigga Adkaw, Xamse oo ku hadlaayey afka naadiga Aaya-reeb, macallin Naafic Maxamed Qaadi, Abwaan Mustafe Dhinbiil iyo Dakhtar Cabdiqaadir Saleebaan dadkan ayaa dhammaantood xusay xanuunka derbi-jiifnimadu ay leedahay.

Xildhibaan Bade oo ka tirsan xildhibaannada golaha deegaan degmada Boorama, oo ka mid ahaa martida xafladda ayaa waxa uu mahadcelin dusha uga tuuray qoraa Cumar Shaafi, waxa uuna ugu duceeyey in rabbi la garab-galo hawshaa culus.

Waxaa xafladda soo xiray Maxamuud Salaad Faarax oo ku hadlaayey afka waalidiinta, Maxamuud waxa uu si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey Qoraa Cumar Yuusuf Axmed( Cumar Shaafi) waxa uuna yiri “ Cumar Shaafi waan garanayaa oo marna waxa aan u ahay abti marna adeer, waan uga mahadcelinayaa buuggiisa labaad ee uu Boorama ku soo bandhigay.”

Si kastaba ha ahaatee xafladd bandhigga buugga Danta Drbi-jiifka Yaa Dayacay? Ee xalay ka qabsoontay Rays Hotel Boorama, ayaa ku soo gaba-gabowday jawi deggen. Badi dadkii meesha soo xaaddirayna waxa ay si aan loo kala harin u iibsadeen buugga Danta Drbi-jiifka Yaa Dayacay?.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19
PUNTLAND POST