Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo tacsi ka diray dadkii ku dhintay daadadkii Jigjiga

Garowe(Punland Post) Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa soo dhweeyay heshiiskii dhowaan Puntland iyo DF ku dhexmaray magalada Garowe, hadalkan ayuu jeediyay xilli uu maanta isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay dib ugu soo laabteen magalada Garowe.

Eng.Camay ayaa heshiiska ku tilmamay mid xal ah, waxa kale uu ka war bixiyay socdaalkiisii magalada Bosaso wuxuuna shegay inuu salka ku hayay qiimaynta halka uu marayo sanduuqa difaaca ciidanka ee Gobalka Bari iyo ogaanshaha xaalada abaaraha iyo sida ugu muhiimsan ee looga qayb qaadan karo.

Sidoo kale Camay iyo wafdigiisa ayaa soo booqday qaar ka mid ah askartii Puntland kaga dhaawacmay dagaalka Al-Shabab la galeen madaxwayne ku xigeenku wuxuu sheegay dhaawacaasi oo yiilay isbitaalka Carma inay xaaladooda aad u wanaagsan tahay qaarkoodna ay mar hore ka bogsadeen dhaawacyadii soo gaaray.

Ugu danbayntii madaxwayne ku xigeenka ayaa tacsi u diray ehelka iyo qaraabada dadkii ku dhintay daadadkii kasoo rogmaday magalada Jigjiga kuwaasoo dad ay ku le’deen.

IMG-20160407-WA0009

IMG-20160407-WA0010

IMG-20160407-WA0011

IMG-20160407-WA0015

IMG-20160407-WA0016