Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay heshiiskii Garowe

Garowe(Puntland Post) Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo lagu magacaabo Burhaan Aadan Aw-cabdi ayaa sheegay inuusan wax faa’iido ah soo kordhin karin heshiiskii Axadii 3-April Garowe ku wada gaareen dowladda Puntland iyo DFS maadama uu madaxwaynuhu horay u sheegay inuu nidaamka 4.5 xaaraan yahay.

Waxa uu sheegay inay horay heshiis-yo u gaareen Puntland iyo DF kuwaasoo aan wax natiijo ah soo kordhin, waxa kale uu xildhibaankan sheegay inta badan Xildhibaanada Baarlamaanku ay raali ka yihiin heshiiskan.

Heshiiska Puntland iyo DF ku gaareen ayaa meesha ka saaraysa diid-madii 4.5, taasoo markii hore nacaybka loo qabo nidaamkaasi uu sii fogeeyay madaxwayne Gaas, sidoo kale heshiiskan ayaa awood dheeraad ah siinaya Gaas marka loo eego saxiixa iyo doorashada xildhibaanada oo lagu qabanayo magalada Garowe.

PUNTLAND POST