Wolrd Vision oo Gaari Umbalace ah ku wareejisay wasaaradda caafimaadka Puntland

Hay’adda world Vision ayaa maanta wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ku wareejisay gaari csuub oo Umbalace ah, kaasoo loogu talo galay in lagu fuliyo gaarsiinta adeegyada caafimaad ee gobolka Nugaal.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Ciise (Cuuke) ayaa soo dhoweeyay gaarigaan lagu wareejiyay, wuxuuna sheegay inuu u gaar yahay adeegyada hooyada iyo dhallaanka gobolka  Nugaal.

Wasiirku wuxuu balanqaaday in gaarigaan sidii hay’addu ugu talo galay loogu shaqeyndoono islamarkaana mas’uuliyadiisa ay la wareegayaa, wuxuuna intaas ku wareejiyay gaariga ku wareejiyay iskuduwaha caafimaadka gobolka Nugaal Dr. Maxamed Jaamac Xirsi.

Sargaal u hadlay hay’adda World Vision ayaa sheegay gaarigaan in ay ugu talo galeen sidii adeegyada  caafimaadka loogu gaarsiin lahaa deegaanada fog fog ee ka baxsan wadada laamiga dheer.

Sawiradda.

2 3 4 5 6 7 8 9 12

Puntlandpost.com