Madaxwayne Gaas oo shacabka ka qanciyay qaadashada nidaamka 4.5

Garowe(Puntland Post) Madaxwayne Cabdiweli Cali Gaas ayaa Tallaadii shalay khudbad uu ka jeediyay Puntland Tv wuxuu shacabka u sharaxay sababta ku kaliftay inay qaataan hanaanka 4.5 oo markii hore isagu shacabka u sheegay inaysan wax kasta oo la sameeyo nidaamkaasi dib ugu laaban doonin.

Marka laga tago khudbadiisa Gaas waxay dadku aad u hadal hayaan haladii uu ka jeediyay kulamadii uu Maraykanka shacabka kula qaatay isagoona hadaladiisa kusoo qaatay haddii Ban Ki Moon loo yeero inaysan ogolaan doonin 4.5.

PUNTLAND POST