Madaxwayne Gaas oo shacabka si toos ah ugu faah faahiyay heshiiskii ay la galeen DFS (Dhagyayso)

gaas

Garowe(Puntland Post) Ka dib markii ay sii xoogaysatay hadal haynta heshiiskii dhowaan Garowe ku gaareen Puntland iyo DF ayaa waxaa maanta markii ugu horaysay madaxwayne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) Shacabka Soomaaliyeed kala hadlay Telefeshinka Puntland, halkaasoo uu khudbad kasoo jeediyay dadkana ku fahan siiyay heshiiska iyo danta laga lahaa.

Heshiiska oo ka kooban afar qodob oo lasii faah faahiyay waxaa diyaarintiisa iyo isla meel-dhigistiisa lagu mashquul-sanaa in ka badan toban cisho taasoo markii danbe saxiiixiisa goob joog ahaayeen beesha caalamka isla markasna ay damaanad qaaday IGAD.

Madaxwayne Gaas ayaa sheegay ka Puntland ahaan inay is tuseen saddex qodob oo ku saabsan xaalada hanaanka doorashada kuwaasoo kala ahaa, in Soomaaliya inteeda kale Puntland ka go’do oo ay gaar u sitaago, in doorashada afartsa sano ee DF Puntland gaar ka istaagto oo aysan waxba ku darsan iyo inay heshiis Puntland u qalma DFS la gasho kana qayb gasho doorasha 2016.

Dr.Gaas ayaa sheegay inay markii danbe la qumanaatay inay qaataan qodobka 3-aad kaasoo ah in Puntland heshiis rasmi ah oo u qalma shacabka iyo xukumadda dowladda Federaalka la gasho kaasoo markii danbe Garowe lagu gaaray, wuxuuna sheegay Puntland inay dadaal dheer u gashay heshiiskaasi beesha caalamkana ay aqoon sadeen awooda iyo meeqaabka Puntland kaga jirto Soomaaliya inteeda kale.

Heshiiska Puntland iyo DF ayuu sheegay inuu waddo wanaagsan u faray Soomaaliya, waxa kale uu khudbadiisa ku daray in Puntland inay horseeday matalaad shacab oo dhab ah, heshiiska labada dhinac ayuu ku tilmaamay inuu keenay in Soomaaliya 2016 ka dhacdo doorasho xor ah oo aysan jirin Xildhibaan iska socdo isagoo aan cidna matalin.

Ugu danbayntii Gaas ayaa sheegay heshiiska inuu horseedey wado cusub ayna ku qanacsan yihiin habka loo saxiixay, wuxuuna shacabka u sheegay inay arrintaasi la socdaan sidoo kale wuxuu ugu baaqay inay taageero usoo fidiyeen ehelka ay ka geeriyoodeen ciidankii Puntland kaga dhintay dagaalkii Al-Shabab lala galay.

Khudbada madaxwaynaha Puntland ayaa kusoo aadaysa xilli siyaasiyiin reer Puntland ah iyo badanĀ  kami ah Bulshada ay kasoo horjeesteen heshiiska Puntland DF waxayna sheegeen inuu Gaas markii hore shacabka been u sheegay.

Halkan ka Dhagayso Codka

Puntland Post