Falaqayn heshiiskii Garowe iyo Fal-celiska Dadweynaha Puntland

Madaxweyne Gaas iyo Raisul Wasaare Cumar Cabirashiid
Madaxweyne Gaas iyo Raisul Wasaare Cumar Cabirashiid

Garowe(Puntland Post)-Sida aan la socono Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxaa ka dhacay hameenimadii 04/04/2016 heshiis lagu sheegay in lagu soo afjaray khilaaf meel adag gaaray oo mudo dheer u dhaxeeyey Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland, kaas oo ka dhashay markii Puntland si cad uga hor timi qodobadii kasoo baxay Shirkii Madasha wadatashiga qaran, uuna Madaxweyne Gaas sheegay in qodobadda kasoo baxay Shirkaas aysan ahayn  wixii Dadka reer Puntland usoo wakiisheen, sidaa darteedna uu dib  iyaga talada ugu celin doono.

Nuxurka Heshiiks Garowe

Heshiiskan oo ka kooban qodobo Muhiim ah oo dhinacyo kala duwan taabanaaya ayaa kuwa ugu muhiimsan waxaa kamid ah, in soo xulista xubnaha kamid noqonaaya Baarlamaanka ay ka dhici doonto Caasimadaha Maamulada Dalka Ka jira, in Madaxweyne Gaas u lahaan doono saxiixa ugu danbeeya ee xildhibaanada laga soo xulo Puntland iyo in soo xulista  Beelihii ku midoobay Puntland 1998 ay ka dhacdo Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Marka aan eegno qodobada 1.10 iyo 2.7: ee Heshiiskan oo sheegaaya in Madaxweyne Gaas marka ugu danbaysa saxiixaayo xildhibaanada laga soo dooranaayo Puntland ayaa u eg mid ku cusub nidaamka 4.5, kaas oo ay awooda ugu badan iyo saxiixa ugu danbeeyaba ay lahaan jireen Odayaasha Beeluhu ama Isimada, waxaase ka muuqata qodobkaas inuu Madaxweyne Gaas iminka awoodii la qaybsanaayo Isimada uuna yahay kan leh saxiixa ugu danbeeya ee xildhibaanada laga soo doorto Gobalada Puntland, waana tan keentay Dad badan inay heshiiskan ku tilmaamaan mid u xagliyey Madaxweynaha balse ka fog Danta iyo rabitaankii Puntland.

Dhanka kale Qodobka ka hadlaaya in soo xulista xildhibaanadu ay ka dhacdo Caasimadaha Maamulada ayaa meesha ka saaraysa in Odaayashu iskugu tagaan Magaalada Muqdisho, taas oo dhibaato badan oo amaan iyo is dhex yaac ku keeni jirtay, Marka laga tusaale qaato Doorashadii 2012 oo markii odayaasha la iskugu geeyey Magaalada Muqdisho ay soo wajhday xaalada adag, sidoo kale qodobkan ayaa kalsooni ka dhex abuuri kara xildhibaanada iyo Gobalada ay ma talayaan, Qodobkan wuxuu sidoo kale ku xusnaa qodobadii kasoo baxay shirkii Madasha wadashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho walow aan qodobadaas la saxiixin.

Qodobka 2.7. oo sheegaya in Beelihii dhistay Puntland 1998 xubnahooda lagu xulaayo Magaalada Garowe ayaa u muuqda mid ay Puntland kaga gaashamanayso in qaar kamid ah Beelahaas ay maraan Maamulo kale sida Khaatumo ama ay gacanta lasoo galaan Madaxda Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, Khilaaf adag ayaa ka dhashay  sanadkii 2012, xildhibaanada Gobalada Sool,Sanaag iyo Cayn markii xulistooda ay isku qabsadeen Odayaal taageersan Maamulka Khaatumo iyo kuwo taageersan Puntland, wuxuuse heshiiskan cadaynayaa in Odayaasha kasoo jeeda degaamadaas iminka ay imaan doonaan Magaalada Garowe.

Fal-celiska Dadweynaha reer Puntland ee Heshiiskan

Dadka reer Puntland ayaa si yaabo kala duwan uga jawaabay heshiiskan Markii uu soo baxay, Waxaana ka hadlay Siyaasiyiin, aqoon-yahan iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Dadweyaha qaar ayaa soo dhaweeyey in xal laga gaaro isjiid-jiidkii faraha badnaa ee mudada dheer u dhaxeeyey Puntland iyo Dawlada Federalka ah, ayna Puntland u tanaasushay xalka umada Soomaaliyeed, hase ahaate inta badan Bulshada rayidka ah iyo Siyaasiyiinta Puntland ayaa si adag uga hor yimi heshiiska Garowe lagu gaaray, waxayna ku tilmaameen mid aan u qalmin meeqaamka ay Puntland ka joogto Soomaaliya, iyagoo Dawlada Madaxweyne Gaas ku eedeeyey inay meel uga dhacday rabitaankii Dadkeeda.

Siyaasiyiinta sida aadka uga hor yimi heshiiskan waxaa kamid ah Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Cali Xaaji Warsame iyo Saadiq Eenow, Iyadoo diidmada adag ee dadweynahana laga dheehan karo goobaha ay Dadweynuhu ku kulmaan ee Magaalooyinka waaweyn iyo Baraha Bulshada ee Internetka.

Maxaa sababay Diidmada xoogan ee Dadweynaha?

Dawlada Puntland ayaa si aada Dadka reer Puntland ugu shubtay diidmada nidaamka afar dhibic shan, Iyadoo Madaxda Dawladu balan adag ku qaadeen inaysan marnaba ogolaan doonin in dib loogu laabto nidaamkan, Waxaana Magaalooyinka waaweyn laga abaabulay mudaharaadyo iyo Shirar lagu diidan yahay 4.5, Hase ahaate Dawlada Puntland ayaa qaadatay nidaamkan iyadoon mar kale isku dayin inay Dadka ka shubto wixii ay mudada dheer ku shubaysay, ama ay fahamsiiso sababta kaliftay isbadelkan cusub.

Madaxda Dawlada oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Gaas ayaa goobbo fagaare ah ka sheegay inaysan cidna ku khasbi karin, ogolaana doonin nidaamkan wax ku qaybsiga Beelaha, hadalada ay Dadku sida aadka ah usoo qaadanaayana waxaa kamid ah, Hadalkan oo Madaxweyne Gaas ka sheegay Dalka MaraykankaHadii ay isku tagaan dhamaantood,ama Banki moon hasoo kaxaystaan ama ciidii ay doonaan, waxaa leeyahay NO 4.5″

Dadka sida aadka ah uga soo hor jeedda heshiiskan ayaa sheegaaya inay is qabadsiin layihiin Hadaladii adkaa ee Madaxda Dawlada iyo kan ay iminka qaateen ee ah YES 4.5.

Inkastoo lasaxiixay heshiiskii laguna heshiiyey in mar kale Soomaalidu wax kusii qaybsato nidaamka 4.5 illaa sanadka 2020, hadana waxay tani wax yeelo weyn u geysatay kalsoonidii ka dhaxaysay Madaxda Dawlada Puntland iyo Dadweynaha, Inkastoo Dawladu isku dayeyso inay qanciso Bulshada sida aadka ah u caraysan.

Puntland Post