Aqoon yahan Sulub oo sheegay inay cadaalad daro tahay nidaamka 4.5

maxresdefaultGarowe(Puntland Post) Dr.Cabdiraxmaan Axmed Nuur Sulub oo ka mid ah aqoon yahanka Soomaliyeed ee hadda ku nool magalada Garowe ayaa wax laga waydiiyay siduu u arko hanaanka 4.5 ee mamulada dalka iyo DF go’aan ku gaaraan in dib loogu galo doorashada 2016.

Dr.Sulub ayaa sheegay inuu asal ahaan-ba cadaalad daro u arko in aasaska Soomaaliya laga dhigo qabiil, waxa kale uu sheegay inuusan wax faa’iido ah nidaamka 4.5 uusan wax faa’iido ah u horseedi karin umadda Soomaaliyeed.

Tan iyo markii Puntland iyo DF heshiis ka gaareen qaadashada hanaanka 4.5 ayaa waxaa isi soo taraya dhaliisha loosoo jeedinyo xukumadda Gaas, taasoo lagu eedaynayo in balantii shacabka ka qaadey ay ka baxday.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa horay u sheegay inuusan wax kasta oo la sheego qaadan doonin nidaamka 4.5 taaso uu ka sheegay munaasibado loogu qabtay waddanka Maraykanka, balse markii danbe wada hadal dheeraad ka dib ku ogolaadan inuu ka qayb galo doorashada dhowaantan lagu wado inay qabsoonto.

PUNTLAND POST