Maxaa ka cusub maanta oo Axad ah magalada Garowe

Garowe(Puntland Post) Saaka oo Axad ah waxaa lagu wadaa in warbaahinta loosoo bandhigo heshiiska ay wada gaareen Puntland iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo wafdi culusi Garowe ka joogo.

In-kastoo aan la heli karin ilaa iyo hada qodobada lagau wada heshiiyay haddana wararka madaxa banaan waxay tilmaamayaan in Puntland la ogolaysiiyay qaadashada nidaamka 4.5, waxaana jira qodobo keenay inay nidaamkaasi raali ka noqoto.

Heshiiskan waxaa lagu wadaa inay goobjoog ka noqdaan wafdiyo heer caalami ah oo qaarkood ay hadda Garowe ku sugan yihiin kuwa kalena la sugayo saacadaha soo socda.

Waxaa horay u dhaqan gali waayay heshiis-yo Puntand iyo DF soo wada galayeen tan iyo 2009, waxaana la is-waydiinayaa sida looga rumayn karo kuwan cusub ee la wada galayo 2016.

Wararka ku saabsan heshiiska labada dhinac kala soco Puntland Post