Madaxwayne Gaas oo difaacay qaadashada nidaamka 4.5 ee Puntland

ggGarowe(Puntland Post) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay heshiiska ay wada gaareen Puntland iyo DF ka dib ayaa sheegay inaysan Puntland qaadan nidaamka 4.5 balse ay qaadatay go’aankii lagu soo afjari lahaa in waddanka hab qaybsigaasi laga musaafuriyo.

Waxa uu sheegay inaan doorasho danbe marka laga reebo 2016 aan lagu gali doonin 4.5, wixii kasoo laabtana ay damaanad qaadayaan dowladda Itoobiya iyo IGAD.

Sidoo kale masuulkan waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii maanta kasoo baxay madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud kaasoo uu kaga hordhacay taageerada u qabo in Puntland qaadato 4.5.

Qaadashada Puntland nidaamka 4.5 ayaa kusoo aadaysa xilli la hadal hayo go’aankii adkaa ee uu madaxwayne Gaas ka qaatay kaasoo uu goobo dadwayne ka sheegay in xitaa haddii la keeno Ban-Ki-Moon aysan qaadan doonin nidaamkaasi.

PUNTLAND POST