Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo soo dhoweeyey wafuudda Garoowe soo gaaray

Ra'iisul Wasaaraha dalka, Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma'arke iyo madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas"
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa qayb ka ahaa xubnaha dawladda Federaalka oo Garoowe u yimid xallinta khilaafka ka taagan habka loo qabanayo doorashada dalka ka dhacaysa sannadkaan Cali Ducaale, Puntland Post

Garoowe, Puntland Post — Wafdigii ka socday Beesha Caalamka ayaa madaxtooyada Garoowe kula kulmay ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka, Cumar Cabdirshiid, iyo madaxweynaha Dawladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali.

Salaan iyo soo dhoweyn kadib, ra’iisul wasaare Cumar waxa uu waftiga yimid uga mahad celiyey booqashada ay ku soo gaareen magaalada Garoowe.

Cumar Cabdirashiid oo wufuudda soo dhoweeyey

Waftiga Garoowe soo gaaray oo ay ka mid yihiin ergayga Qaramada Midoobay, Michael Keating; danjiraha Midowga Yurub, Michele Cervone d’Urso; Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Tedros Adhanom; danjiraha Talyaaniga, Farbizio Marcelli; danjiraha Imaaraadka Carabta, Maxammed Axmed Cusman Al Xammadi; xoghayaha urur goboleedka IGAD iyo xubno kale oo heer gobol iyo heer caalami ah ayaa madaxtooyada kula kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in isla maanta in lagu qabto hoolka wasaaradda caafimaadka Puntland shir lagu shaacinayo heshiiska Puntland iyo dawladda Fadaraalka oo waftiga yimi ay goobjoog ka noqon doonaan.

Warbixintaan oo faahfaahsan dhowaan kala soco Puntland Post.

Cumar Cabdirashiid, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya
Wufuudda ra’iisul wasaaruhu qaabilay ayaa Garoowe u yimid si ay goobjoog uga noqdaan heshiiska Puntland iyo dowladda Federaalka oo la filayo in goor danbe oo maanta ah lagu dhawaaqo Cali Ducaale, Puntland Post/Madaxtooyada Puntland

 

Ra'iisul wasaaraha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali sharma'arke
Ra’iisul wasaaraha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali sharma’arke oo wafti ku qaabilaya madaxtooyada Puntland ee Garoowe Cali Ducaale, Puntland Post/Madaxtooyada Puntland

 

Cumar Cabdirashiid iyo wafti heer caalami ah oo Garoowe kaga qaybgelaya heshiiska dawladda Federaalka iyo dawladda Puntland.
Ra’iisul wasaaraha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali sharma’arke oo wafti ku qaabilaya madaxtooyada Puntland ee Garoowe Cali Ducaale, Puntland Post/Madaxtooyada Puntland

 

Wufuud heer caalami ah oo Garoowe soo gaaray
Wufuud heer caalami ah oo Garoowe soo gaaray. Cali Ducaale, Puntland Post/Madaxtooyada Puntland

 

Wufuud heer caalami ah oo ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ku soo dhoweeyey magaalda Garoowe.
Wufuud heer caalami ah oo ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ku soo dhoweeyey magaalda Garoowe. Cali Ducaale, Puntland Post/Madaxtooyada Puntland

 

Wufuudda ayaa Garoowe u yimid si ay goobjoog uga noqdaan heshiiska dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo dawladda Puntland
Wufuudda ayaa Garoowe u yimid si ay goobjoog uga noqdaan heshiiska dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo dawladda Puntland kala saxiixanayaan. Cali Ducaale, Puntland Post/Madaxtooyada Puntland

 

Puntland Post