Wafuud heer caalami ah oo kusoo wajahan Garowe, wada hadalkii P-land iyo DF oo dhammaadey

Madaxtooyadda-Puntland

Garowe(Puntland Post) Wararka caawa uu helayo Puntland Post ayaa sheegaya in wada hadalkii Puntland iyo DFS uga socday xarunta madaxtooyada Garowe uu weli socda walow ay jiraan heshiis labada dhinac wada gaareen.

Wararku waxay sheegayaan in Puntland ay qaadashada nidaamka 4.5 ku xirtay sharuudo adag taasoo dhanka DF ogolaatay in la oofiyo.

Maalinka beri ah waxaa la sugayaa wafdi culus oo uu hoggaaminayo Wakiilka QM ee Somaaliya, kaasoo lagu wado inuu goobjoog u noqdo heshiiska Puntland iyo Federaalku gaareen.

Puntland ayaa loo ogolaaday codsigeedii waxaana la sheegaya inay ka mid tahay in deeqaha caalamiga ah qaybta Puntland si toos ah loogu keeno, in dib u eegis lagu sameeyo guddiyada Federaalku magacaabay iyo Dastuurka dalka oo Puntland sheegtay in wax badan laga badalay.

Puntland Post ayaa heshay xogta ah in beri madaxtooyada lagu qabanayo kulan weyn oo warbaahinta loogu soo bandhigayo waxyaabaha labada dhinac ku wada heshiiyeen.

Ammaanka caasumadda ayaa si weyn caawa loo adkeeyay, waxaana wadooyinka qaarkood lagu arkayaa ciidanka oo baaraya gaadiidka iyo dadka saaran.

PUNTLAND POST