Mamulka Gobalka Nugaal oo la kulmay Shacabka Baay iyo Bakool ee Garowe

Garowe(PUNTLAND POST) Waxaa maanta oo Sabti ah hoolka shirarka Gobalka shir muhiim ah ku dhexmaray mamulka Gobalka Nugaal, waxgaradka, ganacsatada iyo cuqaasha kasoo jeeda deegaanada Baay iyo Bakool ee ku nool caasuamdda Garowe.

Ahmiyada kullankan ayaa lagu sheegay inuu yahay sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen nabadgalyada iyo horumarka maadama dhowaan Puntland dagaal xooggan la gashay kooxda Al-Shabab oo weerar kusoo qaaday xeebaha Mudug iyo Nugaal 14-ka bishii lasoo dhaafay.

Waxaa laga jeediyay hadalo u badan in cid kasta ay masuuliyadi ka saaran tahay ka shaqaynta amniga, shacabka reer Baay iyo Bakool-na ay diyaar la yihin inay mamulka la shaqeeyaan

Aadan Axmed Shiikh Nuur oo ka mid ah Nabadoonada Digil iyo Mirif-le ee Garowe ayaa mamulka Gobalka Nugaal ka codsaday inay dhankooda u aqoon sadaan dad aan sal iyo raad ku lahayn weerarada Al-Shabab wuxuu sheegay inay Al-Shabab u yaqaanan cadowga umadda Soomaaliyeed ayna diyaar u yihiin inay la dagalamaan.

Waxgaradka Gobalka Nugaal oo dhankooda hadlayna waxay sheegen inay iyaguna diyaar ula yihiin inay wada shaqayn labada dhinac dhexmarto cid kastana dhankooda ay amaanka ka shaqeeyaan.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdilaahi Farawayne oo kullankan soo abaabulay ayaa u mahad celiyay waxgaradka iyo ganacsatada reer Baay iyo Bakool ee Garowe wuxuu sheegay inaysan wax dhibaato ah u wadin balse muhimadu tahay in la wada shaqeeyo si looga hortago kooxaha shacabka kusoo dhex dhuumanaya.

Farawayne wuxuu sheegay inaysan cidna uga gaban doonin qof kasta oo loo arko inuu amniga iyo horumarka Puntland caqabad ku yahay.

Kulankan ayaa imanaya xilli Puntland oo dhan laga bilaabay howlgalo xooggan,waxaa maanta magalada Bosaso shacabka xaafadaha loogu qabtay kulan kan la mid ah.

1

2

3

4

5

6

7