Wasiirka Caafimaadka Puntland oo tacsi u diray ehelka dadkii ku dhintey qaraxii Gaalkacyo

Garowe(Puntland Post) Wasiirka wasaradda Caafimaadka Puntland Dr.Cabdinasir Cisman Cuuke oo dhamaal tacsi ah nasoo gaarsiiyay ayaa tacsi u diray ehelka dadkii ku dhintay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magalada Gaalkacyo.

Si gaar ah wasiirku wuxuu tacsi ugu diray qoyska allaha u naxariistii Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare) oo ka mid ahaa dadkii qaraxaasi ka mid ahaa, wuxuuna illaahay uga baryay inuu samir iyo iimaan ka siiyo, qoyskii uu ka baxay masuul kaasi oo wasaradda Maaliyadda u qaabil-sanaa Gobalka Mudug.

Dhinaca kale tacsi taa la mid ah waxaa diray wasiirka Qorshaynta Shira Xaaji Faarax oo sheegay inay mudo kasoo wada shaqeeyeen wasarada Maaliyadda, Shire Alle wuxuu uga baryay inuu Janadiisa ka waraabiyo, dadkii uu ka baxayna uu samir alle ka siiyo.

PUNTLAND POST