Puntland oo weli diidan nidaamka 4.5 iyo Ergayga QM ee Somalia oo Garowe laga sugayo

2016210635906946033110894Danjiraha_QM_ee_Somalia_Puntland_660GAROWE(Puntland Post) Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa weli u cadaynaysa wafdiyada ka socda Villa Somaliya iyo beesha caalamka inaysan ka laaban karin go’aankii ay horay ugu diideen nidaamka qabiilka ee 4.5 kaasoo u muuqda in Puntland lagu cadaadinayo inay ogolaato.

Guddiga wada hadalka Puntland ayaa sheegaya inaysan u muuqan baahi ay nidaamkaasi ku qaataan maadama uu xaaran yahay Puntland horay u sheegtay inuusan meelna kasoo galin, marka arrintaasi laga yimaado waxaa socda dadaalo iyo cadaadis xoogan oo beesha caalamka ka socda maadama ay horay usoo saareen qaraar ay ku diidan yihiin in muddo kordhin loo sameeyo dowladda talada haysa ee Villa Somalia.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Sharmarke ayaa weli ku qanci waayay go’aanka Puntland waxaana tan iyo intii ay Garowe yimaadeen wadaan kulamo is-dabo joog ah oo dhammaadkiisa aan wax natiijo ah keenin, waxayna u badan tahay inay dib ugu laaban doonaan Muqdisho iyagoo aan wax go’aan ah wadin.

Wararka soo baxaya ayaa sheegay maalmaha soo socda Ergayga QM ee Soomaaliya inuu Garowe imaan doono, kaasoo la sheegayo inuu goob joog ka noqonayo heshiis ay DFS iyo Puntland wada gaareen balse lama cadayn karo waxay labada dhinac isla meel dhigeen.

PUNTLAND POST