Wasiirka Amniga Puntland oo shacabka ugu baaqay inay dagaalka Al-Shabab ka qayb galaan

Garowe(Puntland Post) Waxaa maanta magalo madaxda Puntland ee Garowe ku qabsoomay kulan ammaanka Puntland looga hadlayo, kaasoo dhexmaray wasiirka Amniga,wasiirka arrimaha gudaha iyo saraakiisha ciidanka kaasoo xoogga lagu saaray sidii loo adkayn lahaa ammanaka, dadkuna ay dowrkooda uga qaadan lahaayeen wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabab.

Shir jaraa’id ee uu qabtay wasiirka Amniga Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayuu kaga hadlay arrimo badan oo uu ka mid yahay waxa kasoo baxay kulankooda ammaanka looga hadlay.

Dad-waynaha reer Puntland ayuu ugu baaqay inay isku aragti ka qaataan ficilada kooxda xagjirka ah, waxa kale uu sheegay inaan qof aan damaanad haysan gaari iyo guri toona laga kireyn.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay magalada Gaalkacyo uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

PUNTLAND POST