Safiirka DFS ee USA oo gaaray Muqdisho iyo safarkiisa Garowe oo la qaban qaabinayo

Muqdisho(Puntland Post) Safiirka dowladda Federaalka ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa gaaray magalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

In-kastoo safarka Danjire Cawad uu lama filaan yahay haddana wararku waxay sheegayaan inuu qayb ka noqon doono wada hadalada Garowe uga socda wafdiga Ra’iisul Wasaare Cumar iyo Puntland.

Safiirka ayaa maalmaha soo socda soo gaari doono magalada Garowe, waxaana lagu wadaa inuu kulamo la qaato bulshada rayidka sida Ardayda Jaamacaddaha, siyaasiyiinta iyo dowladda.

Puntland ayaa weli ku dhagan inuu xaaraan yahay nidaamka 4.5 sidaasi darteena aysan raali ka noqon karin inay doorashada 2016 ka qayb gasho, waana arrinta uu Sharmarke Garowe u yimi.

Wada-hadalada aan tooska ahayn ee ka socda madaxtooyada Garowe ayaa u muuqda kuwo qarka u saaran fashil maadama labada dhinac aysan wax go’aan ah gaarin mudo shan maalmood ah.

Wararka madaxa banaan ayaa sheegaya Puntland inay yeesho nidaamka 4.5 ay ku xirtay in fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya laga wareejiyo Muqdisho, taasoo xujo adag ku ah wafdiga DFS.

Safiirka Soomaaliya ee waddanka Maraykanka oo deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland gaar ahaan gobalka Nugaal ayaa loo badinayaa inuu kulamo Garowe kula samayn doono madaxda Puntland iyo dhinacyada kale ee diidan nidaamka 4.5, balse ma cada ilaa iyo hadda socdaalkiisa inuu arrintaasi salka ku hayo.
1

4
7

2

3

5

6
PUNTLAND POST