Qarax xoogan oo goor dhawayd ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo

Gaalkacyo(Puntland Post) Qarax lagu tilmaamay inuu ahaa mid uu qof isku soo xiray ayaa goor dhawayd ka dhacay inta u dhaxaysa Hotelada Capital iyo Unlaaye ee Waqooyiga magalada Gaalkacyo.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana durbadiiba goobta soo gaaray ciidanka ammaanka oo dadka ka kala cayriyay inay goobtaasi usoo dhowaadaan.

Waxaa laga maqlayay jugta qaraxan guud ahaan waqooyiga magalada, waxaana la arkayaa hilbo dad ku goo’goy goobta qaraxa, sidoo kale waxaa socda gurmadka deg deg ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya qaraxaasi inuu ku dhintay wakiilkii wasaradda Maaliyada ee Gobalka Mudug Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare) kaasoo ay wada dhasheen siyaasi Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) balse dhanka mamulka Gobalka iyo laamaha ammaanka arrintaasi kama aysan hadlin.

Wixii kusoo kordha warkan kala soco Puntland Post