Faah faahin ku saabsan Qaraxii Is-miidaaminta ee saaka ka dhacay Gaalkacyo

1Gaalkacyo(Puntland Post) Inta la og yahay lix qof oo uu ka mid yahay xisaabiyihii wasaradda Maaliyadda Puntland ee Gobalka Mudug Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare) ayaa ku dhintay qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay inta u dhaxaysa hotelada Capital iyo Unlaaye ee magalada Gaalkacyo.

Mamulka Gobalka Mudug ayaa xaqiijiyay geerida Gaadayare,waxayna tacsi u direen dhammaan ehelkii iyo qaraabadii uu masuulkan ka baxay.

Waxaa socda dadaalo xoogan oo lagu baarayo falkan qaraxa ah, waxaana la sheegayaa inuu falkan is-qarxinta ah gaystay qof naftiis halige ah.

Madaxwaynihii hore Puntland, Cabdiraxaman Farole ayaa tacsi ka diray geerida Gaadayare wuxuuna illaahay uga baryay inuu Janadiisa ka waraabiyo.

Dowladda Puntland weli kama aysan hadlin weerarkan is-miidaaminta ah, kaasoo kusoo aadaya xilli madaxda Puntland iyo DFS wada hadal ku saabsan nidaamka 4.5 uga socdo magalada Garowe.
12928291_982724471812094_5229822481358295102_n

PUNTLAND POST