Safiirka dowladda Turkiga ee Somalia oo Garowe lagu soo dhaweeyay

Garowe(Puntland Post) Wafdi uu hoggaaminayo Safiirka dowladda Turkey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Olgan Baker ayaa goor dhawayd soo gaaray magalo madaxda Puntland ee Garowe.

Soo dhawaynta wafdigan ka dib waxaa loo gudbiyay aqalka madaxtooyadda halkaasoo kulan saxaafadu dibadda ka joogto uga socda, lama shaacin ilaa iyo hadda waxa uu salka ku hayo socdalkooda wafdigan Turkiga ah.

Dowlada Turkey ayaa horay balan-qaad ugu samaysay Puntland, mana jirto ilaa iyo hada wax ka fulay balan-qaad yadaasi.

Wuxuu wafdiga Olgan ee Garowe yimi kusoo aadayaa xilli Puntland iyo DFS wada hadalka u socda uusan kasoo bixin wax natiijo ah, waxaana loo badinayaa Turkey inuu Puntland ku qancin doono inuu ka qayb galo doorashada Soomaaliya 2016.

Shalay sidoo kale waxaa Garowe soo gaaray wafdi ka socda Qaramada Midoobey kuwaasoo arrimaha bini’aadan nimada u yimi balse wararka ayaa sheegaya inuu socdaalkooda la xiriiro arrimaha siyasada.

PUNTLAND POST