R/Wasaraha Somalia oo siyaasiyiinta Puntland kala shiray nidaamka 4.5 iyo hanaanka doorashada

12931229_1083056618412839_106284036120583941_nGarowe(Puntland Post) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa ugu danbeyntii maanta kulan kula qaatay hoolka shirarka PDRC ee magalada Garowe, kullankaasi oo ahaa mid wada tashi.

Siyaasi Cali Xaaji Cabdulle oo ka mid ahaa siyaasiyiintii kulanka ka qayb galay ayaa caawa Radio Garowe u sheegay inay ka wada hadleen arrimaha hanaanka doorashada Soomaaliya 2016 iyo nidaamka 4.5 oo ay Puntland diiday.

Cabdulle waxa uu sheegay Sharmarke inuu u sheegay inay xaaraan tahay 4.5 balse ay wanaagsan tahay in la qaato si doorashada soo socta loogu galo maadama aysan wax badan ka harin doorashadaasi, waxa uu sheegay inay u cadeeyeen in Puntland ay ka midaysan yihiin diid-mada 4.5 ayna muhiim tahay in xal kale la raadiyo.

Siyaasigan ayaa la waydiiyay inuu xalka ku jiro muddo kordhin loo sameeyo dowladda Xasan Shiikh, wuxuu sheegay inaysan taasi macquul hadda noqon karin beesha caalamkana uu kasoo horjeeda.

Ma cada ilaa iyo hada wax natiijo ah oo kasoo baxay wada hadalka DFS iyo Puntland uag socda Garowe, kaasoo aan saxaafadu xog badan ka heli karin.

PUNTLAND POST