RW.Somalia iyo madaxwayne Gaas oo xalay ku caweeyay bartamaha Garowe

Garowe(Puntland Post) Ra’iiisul Wasaaraha Soomaaliya oo muddo shan maalmood ah shaqo aan kala go’ lahayn u yimi Garowe ayaa xalay markiisii ugu horaysay wuxuu ku caweeyay meherad lagu shaaho oo ku taala magalada Garowe, waxaana cawayskan ku weheliyay madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Sharmarke ayaa aad ula dhacay ammaanka iyo kala danbaynta caasumadda Garowe ka jirta, waxa kale uu sheegay inay mudan tahay Puntland in loogu mahdiyo sida ay horumarka iyo Soomaali-jecaylka ugu dhegan tahay.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa sheegay ka waramay cawayska madaxdu sameeyeen, wuxuu sheegay Puntland inay nabad tahay.

PUNTLAND POST