Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta la kulmaya aqoon yahanka iyo wax-garadka

pi-32Garowe(Puntland Post) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo maalintii shannaad ku sugan magalada Garowe ayaa maanta xarunta PDRC kula kulmaya qaar ka mid ah indho-garadka Puntland.

Kulankan oo tiro labo jeer baaqday ayaa lagu wadaa wasiirka koowaad ee dalka inuu kala hadlayo arrimaha doorashada 2016 iyo nidaamka wax ku qaybsiga qabiilka ee 4.5.

Sharmarke ayaa weli dadaal ugu jira sidii Puntland loogu qancin lahaa inay ka qayb gasho doorashada afar bilood ka dib dhici doonto, hase yeeshee waxaa weli muran ka taagan habka Puntland uga qayb gali karto doorashadaasi maadama shacabka iyo madaxda Puntland diideen 4.5.

Boqor Cabdilaahi Axmed oo ka mid ah isimadda Sool ee Puntland ayaa saxaafada dhowaan u sheegay inaysan shacabka iyo xukumaddu qaadan karin nidaamkaasi balse talo ahaan ay la quman tahay in muddo kordhin loo sameeyo madaxda hadda xilka haysa ee DFS.

Madaxwaynihii hore Puntland, Cabdiraxmaan Farole ayaa sheegay inaysan qaadan karin nidaamkaasi, dadaalada uu RW wadana uu yahay mid Olale loogu samaynayo madaxwaynaha Soomaaliya.

PUNTLNAD POST