Maxaa ka cusub madaxtooyada Garowe?

Garowe-(Puntland Post)-Wararka aan saaka oo Talaado ah ka helayno xarunta madaxtooyada Garowe ayaa sheegaya in uu ka socdo kullan u dhaxeeya Madaxda Puntland, waftiga Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, oo maalmahan shirar u socdeen natiijo aysan ka soo bixin.

Kullamada oo warbaahinta aysan xog badan ka hayn, ayaa la sheegaya in laga wada hadlay Puntland in ay ogolaato arinta dowladda Fadaraalka iyo Puntland isku mari la yihiin ee 4.5ka.

Xalay waxaa madaxtooyada kullan ku qaatay Cumar Cabdirashiid, Gaas, Farole iyo qaar kamid ah Isimada Puntland, waxaana ilo madaxtooyada ah sheegayaan in kullanka xoogga lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa 4.5ka.

Kullmada ka socda Garowe, waxaa iyana bar bar socda diidmada shacabka qaarkii ka muujinayaan 4.5ka, oo ay u arkaan mid aysan qabiilada qaarkood helayn xuquuqdood Xildhibaan nimo.

PUNTLAND POST