Wararkii ugu danbeeyay wada hadalka DF iyo Puntland iyo Sharmarke oo ku laabanaya Muqdisho

GAROWE(Puntland Post) Tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid soo gaaray Garowe Jimihii lasoo dhaafay (25-03-2016) waxaa socdey kulamo aan rasmi ah oo u dhaxeeya guddiga Puntland u qaabil-san dhanka wada hadalka iyo wasiiradda DF ee la socday Sharmarke.

Wada-hadaladan oo aan ilaa iyo hada wax rasmi ah kasoo bixin ayay wararku sheegayaan in lagu wado maalinka berito in lasoo saro qoraal lagu cadaynayo socdaalka wasiirka koowaad iyo waxyaabaha laga wada hadlay.

Puntland ayaa weli ku adkaysanaysa diid-mada nidaamka 4.5, balse wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadaal ugu jira sidii tanaasul u imaan lahaa Puntlandna loogu qancin lahaa inay doorashada ka qayb gasho, wararka uu helayo Puntland Post waxa uu sheegaya wafdiga Ra’iisul Wasaaraha inuu ku wajahan yahay beri ama maalinta ku xigta, taasoo la macno ah inuusan jirin is-fahan laga gaaray nidaamkaasi.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa dhowr goobood ka sheegay wax kasta oo la akhriyo inaysan qaadan karin nidaamka 4.5, kaasoo uu ku tilmaamay mid xaaraan ah oo umadda Soomaaliyeed kala qaybinaya.

Boqor Cabdilaahi Axmed oo ka mida ah Isimadda Puntland ayaa dhankiisa soo jeediyay in dowladda dhexe muddo kordhin loo sameeyo maadama aan la qaadan karin 4.5 laguna salayn karin hab deegaan doorashada Soo socota.

Dhinaca kale xaafadaha magalada Garowe qaarkood ayaa lagu qoray No.4.5 iyadoona ay macno ahaan tahay dooni mayno nidaamkaasi.
large

War aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in Puntland ay diyaarinayso qoraal ay kaga hadlayso kulamada dhacay iyo socdaalka Ra’iisul Wasaaraha.

PUNTLAND POST