DFS oo dadaal xooggan ugu jirta sidii Puntland loogu socod siin lahaa 4.5 iyo shacabka oo diidan

Garowe(Puntland Post) Tan iyo markii magalada Garowe soo gaaray wafdi uu horkacayo wasiirka koowaad ee xukumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa waxaa soo baxaya warar kala duwan oo salka ku haya sidii madaxda Puntland loogu socod siin lahaa nidaamka 4.5, kaasoo go’aan midaysan shacabka iyo madaxda Puntland horay uga qaateen.

Cumar Cabdirashiid iyo xubnaha la socda oo intooda badan la dajiyay xarunta madaxtooyadda ayaa waxay kulamo aan rasmi ahayn la qaadanayaan dhinacyada dowladda Puntland wakiilka uga ah wada hadalka dowladda Federaalka, balse wararka uu helayo Puntland Post ayaa sheegaya inuusan wax najiiyooyin ah soo saarin kulamadaasi qarsoodiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay galab gurigiisa ku booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse, wararka madaxa banaan ayaa sheegaya in halkaasi uu kulan ku dhexmaray Cumar iyo qaar ka mid ah Isimadda oo guriga Islaanka lagu balamiyay, waxaana saacado badan dhinacyada kulmay isku fahmi waayeen ujeedka socdaalka Sharmarke.

Isimadda ayaa ka hor ujeedka Sharmarke waxay wax badan ka waydiiyeen waxa uu Puntland u waday sida taageerada xagga abaaraha, la-dagalanka Al-Shabab iyo xoojinta arrimaha dhaqaalaha maadama Puntland ay qayb ka tahay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wada hadal dheer ka dib, wararka madaxa banaan ayaa sheegaya Ra’iisul Wasaaraha inuu Isimadda uu la kulmay kala hadlay damaciisa siyaasadeed ee tartanka doorashada 2016, sidaasi darteedna ay ogolaadaan sanadkan in doorashada lagu galo 4.5, Puntland ay raali ka noqota, balse arrintaasi Isimadu way ka biyo diideen, waxayna u muuqatay ugu danbeyntii kulankaasi inuu kusoo dhammaaday natiijo la’aan.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan saxaafada loo diiday gurigiisa kula qaatay madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole, waxayna ka wada hadleen arrimaha hanaanka doorashada 2016 iyo in labada dhinac uu tanaasul ka yimaado.

Marka laga tago damaca DFS ee ah in Puntland 4.5 la qaad-siiyo iyadoo balan-qaadyo iyo mashaariic lagu abaal marinayo ayaa waxaa sii xooggaysanaya walaac shacabku muujinayaan taasoo ku aadan inaysan marnaba macquul ahayn inay Puntland nidaamkaasi qaadato.

Ma muuqato ilaa iyo hada xal laga gaaray 4.5, dhinaca Puntland ma jirto ilaa iyo hada wax dabac ah oo ay muujisay marka laga tago wada hadalo hoose oo weli socda, waxaa lagu wadaa wasaradda warfaafinta Puntland inay arrimaha socdaalka Sharmarke ka hadasho.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa dhowr mar goobo dadwayne ka sheegay Puntland inaysan marnaba qaadan karin nidaamka 4.5 oo ugu yeeray mid xaaraan ah shacabkana kala dhantaalaya.

Shalay ayay ahayd markii wafdi uu hoggaaminayo Xoghayaha guud ee urur gobaleedka IGAD, Maxbuub Macalin soo gaaray Garowe, wuxuuna isagoo wakiil ka ahaa dhaqaale Talyaanigu ugu deeqay dhismaha wajiga labaad garoonka diyaaradaha Bosaso la socod siiyay madaxda Puntland isagoona sheegay IGAD inay sidoo kale ka qayb qaadanayso abaaraha iyo adkaynta ammaanka.
PUNTLAND POST