Ciidankii ku guulaystay howlgalkii DANAB oo Garowe lagu soo dhaweeyay iyo Cumar Farawayne oo hadlay

Garowe(Puntland Post) Boqolaal shacab ku labisan calanka Puntland, iyo mamulka degmada Garowe ayaa duleedka bari kusoo dhaweeyay ciidamadii kumaan doosta ahaa ee ku guulaystay howlgalkii DANAB qaybta Gobalka Mudug.

Cidamadan oo ku hubaysan gaadiidkooda dagaalka waxaa hor kacayay gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdilaahi Farawayne iyo Col.Jimcaale Jaamac Takar waxayna dadkii soo dhaweeyay kula hadleeyay goob fagaare ah.

Cumar Cabdilaahi, ayaa marka hore shacabka Puntland uga mahad celiyay dowrkoo ay ka qaateen dagaalkii Al-Shabab lagu jabiyay loogana saaray xeebaha Mudug iyo Nugaal, waxa kale uu muujiyay inuu weli socda dagaalku loona baahan yahay in gacanta lagu soo dhigo dadkii kooxdan maleeshiyada ah talleefonada ku hagayay.

Gobonimadu waxa uu sheegay inay ku jirto Geesi dhinta iyo geesi dhaawacmo, isagona hadalkaasi uga dan lahaa in ciidanka Puntland ay mar walba u taagan yihiin difaaca Puntland.

Col.Jimcaale Jaamac Takar ayaa dhankiisa sheegay inay guul muuqata ciidanku kasoo hoyaan howlgalkaasi ayna mar walba u taagan yihiin sidii cadowga la isaga dhicin lahaa.

Mamulka degmada Garowe gaar ahaan duqa Xasan Goodir ayaa sheegay inay ka qayb qaadanayaan qoysaska ay ka tageen askartii Puntland kaga dhintay dagaalka.

13

12

11

9

8

7

6

5

4

3

2

1
PUNTLAND POST