IGAD oo ka qayb qaadanaysa dhismaha wajiga labaad Airport-ka Bosaso

2Garowe(Puntland Post) Wafdi uu hoggaaminayo xoghayaha urur gobaleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa maanta soo gaaray magalo madaxda Puntalnd ee Garowe, waxana la socday saraakiil xafiiskiisa ka tirsan, xildhibaano iyo safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya.

Wafdigan oo uu soo dhaweeyay madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa ugu danbayntii kulan saxaafady dibadda ka joogto ku yeesheen xarunta madaxtooyada kulankaasi oo dhexmaray wafdiga IGAD, Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Sharmarke.

Marka uu soo dhammaaday kulankan ayaa waxaa saxaafada la hadlay madaxwayne Gaas iyo Xoghaye Maxbuum Macalin, Gaas oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay socdaalka Maxbuub inuusan salka ku hayn siyaasad balse uu yahay mdi horumarineed gaar ahaan ka qayb qaadashada dhismaha wajiga labaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso.

Gaas waxa kale uu sheegay IGAD inay ka qayb qaadanayso arrimaha kalluumaysiga iyo ammaanka, wuxuuna uga mahad celiyay taageerada mashaariicda ka socota Puntland ee ka imanaya xagga IGAD.

Xoghayaha urur gobaleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay inay dhowaan booqan doonaan garoonka diyaaradaha Bosaso halkaasoo lagu wado in laga bilaabo dhismaha waddajiga labaad garoonka diyaaradaha Bosaso, waxa uu sheegay inay ka qayb qaadanayaan ayna dhowaan gali donaan sidii loo dajin lahaa dhaqaalaha ku baxaya wajiga labaad.

Maxbuub waxa kale uu sheegay inay ka qayb qaadanayaan arrimaha horumarka kale ee Puntland ka socda.

Socdaalka wafdiga IGAD ka socda ee Garowe ayaa kusoo aadaya xilli Puntland iyo DFS ay ka wada hadlayaan hanaanka doorashada 2016 iyo sidii Puntland loogu qancin lahaa inay doorashada waddanka ka qayb gasho.

PUNTLAND POST