Shirkadda Towfiiq oo lacag dhan 12,500 oo doolar ku wareejisay guddiga gurmadka abaaraha

Bosaso(Puntland Post) Shirkadda ganacsiga ee Towfiiq General Trading Qeybteda Puntland ayaa lacag dhan 12,500 oo doolar ku wareejisay guddiga gurmadka abaaraha, taasi oo ay ugu tala gashay dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira deegaano ka tirsan Puntland .

Lacagtan ay shirkadda Towfiiq ku wareejisay guddiga gurmadka abaaraha ayaa mudooyinkii dambe ku hawlanaa ku wacyi galinta dadka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan u gar-gaarida walaalohooda u baahanGurmad , waxaana lacagtan loogu biyo dhaaminayaa dadka abaarta ay sameesay.

Munaasabad ka dhacday xafiiska guddiga gurmadka abaaraha Ee Magalada bosaaso ayaa waxa ka soo qeyb galay maamulka shirkadda Towfiiq, culimo’udiin iyo guddiga abaaraha puntland.

Ugu horeyn waxaa munaasabadda ka hadlay madaxa suuq geynta shirkadda Towfiiq Maxamad Macallin Axmad waxa uuna sheegay in shirkadda Towfiiq ay mar walba diyaar u tahay in ay gacan ka geysato wax walba oo bulshada wax loogu qabanayo si gaar ahna ay uga damqadeen walaalohooda haraaddan ee abaaruhu saameeyeen taas oo uu xusay in ay keentay in ay ugu deeqaan lacag dhan 15,500.

Dr. Axmad Maxamad Barre oo ah hanti dhawraha shirkadda Towfiiq ayaa sidoo kale ka hadlay goobta waxa uuna sheegy in ay muhiim tahay in wax lagu bixiyo hawlaha noocan ah, isagoo intaas ku daray in Towfiiq ay mar walba hormuud u noqnayso u kicida dadka dhibban sidii horayba loogu yaqaanay.

Sheekh Fua”ad Maxamuud Xaaji Nuur oo ah gudoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ayaa u mahad celiyey shirkadda Towfiiq isla markaana EEBE uga beryey in maalkooda u barakeeyo.

Intaas kadib ayaa mas’uuliyiinta shirkadda Towfiiq ay gacanta u galiyeen guddiga gurmadka abaaraha jeeg lacageed oo ay ku qoran tahay 15.500 waxaana markii ay gudoomeen kadib uga mahadceliyay shirkadda Towfiiq talaabada dahabiga ah ee ay qaadday gudoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Puntland Sheekh Fu’aad Maxmuud Xaaji Nuur.

Dhinaca kale shirkadda Towfiiq ayaa lacag dhan 2000 oo doolar ku wareejisay guddiga gurmadka qaxootiga ka soo qaxay dalka Yemen, iyadoo lacagtaasi lagu wreejiyey gudoomiyaha guddiga gurmadka qaxootiga Sheekh Axmad Yuusuf Daad.

Shirkada Towfiiq ayaa waxay ka mid tahay shirkadaha ugu tunka weyn oo ku yala deganada puntland markastana ka qeyb qadata cawinta walalohood somaliyeed.
IMG_4034

IMG_4035

IMG_4036

IMG_4043

IMG_4045

IMG_4052

IMG_4053

IMG_4057

IMG_4061

IMG_4064
PUNTLAND POST