RW.Somalia oo madaxwaynihii hore Puntland kala hadlaya nidaamka 4.5

Garowe(Puntland Post) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo shalay soo gaaray magalada Garowe ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda inuu kullan la qaato madaxwaynihii hore Puntland Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole.

Inkastoo aan la shaacin waxay labadaan masuul ka wada hadli doonaan haddana sida uu xogta hoose ku helayo Puntland Today waxay ka wada hadli doonaan hanaanka doorashada Soomaaliya iyo nidaamka 4.5 oo ay Puntland horay u diiday.

Sharmarke ayaa xal u raadinaya sidii Puntland loogu qancin lahaa inay nidaamkaasi ogolaadaan si doorashada loo galo, waxaase jira warar kale oo sheegaya in Puntland aysan go’aankeedii hore ka noqon doonin.

PUNTLAND POST.