Madaxda Puntland iyo wafdiga RW.Somalia oo kulamo uga socdaan madaxtooyada

PostGAROWE(Puntland Post) Madaxtooyada Puntland waxaa ka socda kulan u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha Dowladda dhexe iyo madaxda Puntland, kullankaasi ayaa la sheegayaa inuu yahay mid la isaga xog waraysanayo xaalada dalka gaar ahaan arrimaha doorashada 2016.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Sharmarke, ayaa Puntland u yimi sidii xal loogu heli lahaa go’aanka Puntland ku diiday nidaamka 4.5 maadama aan doorashada la gali karin ilaa arrinta Puntland la xaliyo.

Kulankan hadda ka socda madaxtooaydda waxaa jooga madaxwayne Gaas, ku xigeenkiisa Camay iyo gollaha wasiiradda, ma jirto war rasmi ah loo kasoo baxaya kulankaasi, balse waxaa lagu wadaa in la sameeyo guddiyo labada dhinac matalaya oo ka wada hadlaya arrimaha uu wasiirka koowaad ee dalka u yimi Garowe.

Ra’iisul Wasaare Sharmarke ayaa goor dhawayd kullan al-baabadu u xiran yihiin aqalkiisa kula soo qaatay madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole, xogta uu helayo P-Post ayaa sheegaya inay labada masuul ka wada hadleen hanaanka doorashada Soomaaliya iyo sidii Puntland go’aankeedii hore uga soo degi lahayd.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in la filayo inuu magalada Garowe soo gaaro maalmaha soo socda madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud kaasoo qayb ka noqonaya wada hadalka Puntland iyo DFS.

PUNTLAND POST