Dalladda MUDAN oo Garowe ku qabatay shir looga hadlayo dib u eegista siyaasada dhalinyarada Puntland

GAROWE(Puntland Post) Waxaa magalada Garowe xarunta Puntland lagu qabtay shir muhiim ah oo looga hadlayay sidii dib u eegis loogu samayn lahaa siyasada dhalinyarada Puntland, shirkan waxaa soo qaban qaabiyay Dallada dhalinyarada Gobalka Nugaal ee Mudan oo kaashanaysa Hay’adda Mercycorps.

Waxaa lagu marti qaaday shirkan dhalinyaro boqol gaaraysa oo ka kala yimi gobaladda Puntland si ay uga tashadaan is- badalka oo lagu sameeyo siyaasada dhalinyaradda maadama qaar ka mid ah qodoabda siyasada dhalinyarada puntland lagu guulaysan waayay in la fuliyo.

Wasiirka shaqada, shaqaalaha iyo dhalinyarada Puntland mudane Cabdiraxmaan Axmed ayaa shirkan ka sheegay inay muhiim tahay dhalinyaradu inay dib ugu laabtaan siyaasadooda ayna qeexaan arrimaha muhiimada koowaad leh si howlaha horyaala ay ugu qabsoomaan, waxa kale us oo dhaweeyay isi imaanshahooda oo uu sheegay inay wax badan ka badali karto.

Hogaamiyaasha dhalinyaradda gobalada Puntland oo shirka ka hadlay ayaa muujiyay inay jirto in dhalinyarada dowrkoodii hoos loo dhigay maadama ay ku dulman yihiin sida ay sheegeen qorshaha siyaasadeed ee shanta sono soo socota, waxayna sheegeen kulankooda inay sidoo kale uga wada hadlayan sidii looga hortagi lahaa tahriibta oo weli dhalinyaro badani kusii jeedan.

Gudoomiyaha Dallada guud ee dhalinyaradda Puntland PYAN Aweys Axmed ayaa mahad celiyay soo qaban qaabiyaasha kulankan oo ah dallada MUDAN iyo Mercycorp, wuxuu sheegay inay muhiim tahay dhalinyarado inay mar kasta ka tashadaan danahooda iyo sidi ay guulo wax ku ool ah uga gaari lahaayeen mustaqbalka waddanka, waxa kale uu sheegay Aweys inay ka go’an tahay sidii loogu qareemi lahaa dhalinyaradda aqoon yahanka ah.
_DSC2607

_DSC2609

_DSC2610

_DSC2613

_DSC2616

_DSC2617

_DSC2620

_DSC2625

_DSC2627

_DSC2628

_DSC2630

_DSC2632

_DSC2633

_DSC2634

_DSC2636

_DSC2638

_DSC2640

_DSC2642

_DSC2646

_DSC2647

_DSC2649

_DSC2652

_DSC2654

_DSC2659

_DSC2662

_DSC2666

_DSC2668

_DSC2672

_DSC2676

_DSC2678

_DSC2682

_DSC2684

_DSC2686

_DSC2689

_DSC2691

_DSC2692

_DSC2693

_DSC2695

_DSC2696

_DSC2697

_DSC2704

_DSC2705

_DSC2706

_DSC2709

_DSC2711

_DSC2712

_DSC2715

_DSC2719

_DSC2728

_DSC2733
PUNTLAND POST