Madaxwayne Gaas oo sheegay inaysan Al-Shabab sahal ku imaan karin Puntland

Garowe(Puntland Post) Madaxwayne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ciidankii ku guulaystay howlgalkii togga SUUJ iyo Garmaal ayaa Al=Shabab u sheegay inay ogaadeen inaysan si sahal ah ku imaan karin Puntland, tasoo la macno ah inay awood u lee yihiin inay ciribtiraan.

Howlgalkan guulaystay ayaa siyaabo kala duwan looga hadal hayaa baraha bulshadu ku xiriirto iyo goobaha lagu qaxweeyo, waxayna dadku tilmaamayaan PUNTLAND inay isaga filan tahay iska dhicinta wixii cadow ku ah.

Horay ayuu Madaxwayne Gaas u sheegay inaysan Puntland u baahan karin ciidamada AMISOM ayna isaga filan yihiin.

Hase yeeshee weli wax kasoo jawaabay ma jirto baaq Puntland u dirtay dowladaha taageera Soomaaliya.

PUNTLAND POST