Madaxwaynaha Jubbaland oo booqday Qooqaani iyo Af-madow

https://www.youtube.com/watch?v=fkAerYd1_28&feature=autoshareKismaayo(Puntland Post) Madaxwaynaha mamulka Jubbaland AXmed Maxamed Islaan Madoobe ayaa socdaal gaaban ku tagay deegaanada Qooqaani iyo Afmadow oo ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha iyo saraakiishii la socday ayaa muddo labo casho ah howllo kormeer ah ku joogay degmooyinka Qooqaani iyo Dhoobleey iyagoona halkaas kula kulmay saraakiisha ciidamada dowladda Jubbaland, shacabka Jubbadda Hoose iyo saraakiisha AMISOM.

Ujeedka madaxweynaha iyo wafdigiisa ay u tageen degmooyinkaas ayaa in soo dhiirigaliyaan ciidamada dowladda Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo dagaallo kula jira kooxda Al-Shabaab.

PUNTLAND POST