Dowladda Puntland oo shaacisay tirada ay kaga dileen malayshiyada dagaaladii Duleedka Garacad

ppostDawladda Puntland waxay Maanta shaacinaysaa xaaladda dagaal ee Deegaanka Dhinowda oo 20-km dhanka koonfur ka jirta Garacad .

Hadda wali wuu socdaa dagaalkii waana dagaal goos goos ah oo lagu daba-joogo Firxadka Al-shabaabkii ku soo duulay Puntland waxayna maraysaa geerida hadda Ciidanka Difaacu ka dileen 112
Maxaasiibta la hayo waxay gaarayaan 61 Maxbuus.

Deegaanka Suuj waxaan ku dilnay 55 iyo 43 maxbuus oo qabasho ah taasoo tirade guud ka dhigaysa 98-Qof dhinaca Suuj.

Waxay Dowladda Puntland ugu baaqaysaa deegamada ay ku wajahan yihiin in ay la dagaalamaan ALSHAABKA AAN QOFNA U NAXARIISANEYN

Dawladda Puntland waxay ka saartay Deegaanka Degmada JARIIBAN waxayna hada kula diriraysaa Deegaanka Degmada TOWFIIQ ee Gobolka MUDUG ee Puntland.

Dawladda Puntland way la dirineysaa kooxdaas firxadka ah ilaa ay ka saarto dhammaan deegaamada Puntland.