Puntland Post oo soo heshay sawiradda maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii SUUJ

Garowe(Puntland Post) Ciidanka dowladda Puntland ayaa soo afjaray shalay galab, howlgalkii lagu u gaarsanayay firxadka maleeshiyada Al-Shabab ee duuleenka Puntland kusoo qaaday.

Warbaahinta Puntland Post ayaa maanta tagtey jiida hore ee togga SUUJ halkaasoo dagaalo qaraar ku dhexmaray ciidanka iyo maleeshiyada hubaysan, waxaana goobta lagu arkayay maydadka kooxda oo daad-san dooxada duleedka SUUJ.

Taliye ku xigeenkii hore ciidanka booliska Puntland Gen.Muxyadiin Axmed Muuse ayaa warbaahinta u sheegay inay si guul ah kusoo dhameeyeen howlgalkii ay wadaan, waxa uu carabka ku adkeeyay in kooxdaasi ay ka dileen 65 sidoo kalena ay gacanta kaga dhigeen 31-maxbuud oo qaarkood ay dhaawacyo qabaan.

Maxaabiista lagu qabtay dagaalka SUUJ iyo kuwo isi soo dhiibay ayaa u badan carruur, kuwaasoo aan qaarkood gaarin da’da 20-jirka.

Gen.Muxyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay Puntland inay isaga filan tahay cadow kasta oo kusoo duula, duulaanka dhowaan lagu soo qaadayna uu yahay mid gardaro ah.

Sidoo kale wuxuu u mahad celiyay dadka deegaanka oo kaalin ka qaatay howlgaladii socday, iyagoona mar kasta ciidanka iyo xarumaha ay degan yihiin kusoo war galinayay xogaha ay kooxdaasi ka helaan.

Dhalinyaradaan oo la hadlay Puntland Post ayaa sheegay in lasoo qalday isla markasna waxyaabo kale laga soo dhaadhiciyay, halka qaarkoodna noo sheegeen ka hor inta aan loosoo dirin Puntland mudo lix bilood ah meel lagu xareeyay.
post

post1

post2

post3

post4

post5

post6

post7

post8
post9

post11

post12
PUNTLAND POST