Wasiirka warfaafinta Puntland oo sheegay inay soo afjareen howlgalkii Togga SUUJ

GAROWE(Puntland Post) Waxay ciidanku soo afjareen howlgalkii ka socday maalmihii lasoo dhaafay ka socday togga SUUJ, halkaasoo ay gabaad ka dhigteen maleeshiyadii kusoo duushay xeebaha Puntland, sidaasi waxaa sheegay wasiirka warfaafinta Maxamuud Xassan Soocade.

Wasiir Soocade waxa uu sheegay isagoo la hadlayay RADIO GAROWE, inay dhowaan shacabka la wadaagi doonaan war farxad leh oo salka ku haya howlgalada ciidanku wadaan, wuxuu kaloo sheegay in meelihii ay ku sugnaayeen ee Mudug lagala wareegay koxodaasi.

Saaka ayaa dagaal qaraar mar kale ka bilowdey duleedka Garacad, wuxuuna sababay dhimasho iyo dhaawac, balse ilaa iyo hadda wax faah faahin ah dagaalkaasi lagama hayo.

Waxaa la sheegayaa in kooxdii firxadka ee Shabab ay isku soo dhiibayaan ciidanka dowladda Puntland ee ku sugan deegaanka Garmaal oo hoos yimaada degmada Dongorayo.