Wararkii ugu danbeeyay sifeynta Maleeshiyada Al-Shabab ee togga SUUJ

kulubGarowe(Puntland Post) Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo tan iyo galabta ku jiray sifaynta firxadka maleeshiyada Al-Shabab ayaa lagu soo waramayaa inay galabta dagaal ay ku qaadeen kooxdaasi oo dhuumaalaysanaysa waxay ka dileen dad lagu sheegay ilaa 30 sidoo kale ciidanka ayaa gacanta ku dhigay tiro maxaabiis ah.

Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaaray PUNTLAND POST ayaa sheegaya howlgalka ciidanka ee Togga SUUJ uu guulaystay isla markasna lagu wado maydadka iyo maxaabiista laga qabtay in loosoo bandhigo warbaahinta.

Waxaa socda howlgal xoogan oo ay ciidanku ku eryanayaan koox xirfad ah oo dhuumanaysa, kuwaasoo lagu wado in gacnata lagu soo dhigo.

Dowladda Puntland weli war rasmi ah kama soo saarin howlgalada galabta ka dhacay duleedka Togga SUUJ iyo Garacad.

Wixii kusoo kordha kala soco wararka danbe ee PUNTLAND POST